Magan Forum

Sahminta Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada Soomaaliya – Warbixinta Madasha

comperhensive Report somali version

Kulanka Madasha Magan ee “Sahminta Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsatada (PPP) ee Soomaaliya: Fursadaha, Caqabadaha iyo Istaraatijiyadaha Horumarka Waara” ayaa lagu qabtay 20-kii Agoosto 2024 Hoteelka Jazeera Palace ee magaalada Muqdisho. shirkan muhiimka ah waxa uu isu keentay daneeyayaasha muhiimka ah ee ka socda dowladda, ganacsatada, hayʼadaha maaliyadda iyo bulshada rayidka ah si ay u sahamiyaan awoodda iskaashiga ee kor u qaadista ajendaha horumarinta Soomaaliya.

Iyadoo lasoo bandhigay aragtiyo, dood-cilmiyeedyo iyo hadaljeedino, madasha ayaa lagu soo bandhigay dulmar dhamaystiran oo ku saabsan jawiga hadda ee iskaashiga PPP Soomaaliya, isaga oo aqoonsaday fursadaha iyo caqabadaha muhiimka ah, isla markaana soo jeediyay istaraatijiyado la taaban karo oo lagu horumarinayo hirgelinta iskaashiga PPP. Kulanka ayaa kusoo dhamaaday natiijooyin iyo talooyin muhiim ah oo la doonayo in lagu horumariyo koboca dhaqaale ee Soomaaliya iyada oo loo marayo iskaashi wax-ku-ool ah oo u dhexeeya dawladda iyo ganacsatada

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 300 oo ka kala socda dowladda, ganacsatada maxalliga ah, hayʼadaha maaliyadeed, siyaasiyiinta, aqoonyahannada, iyo wakiillada bulshada rayidka ah. Kulanku wuxuu diiradda saaray ka doodista sidii loo aqoonsan lahaa fursadaha, loona wajihi lahaa caqabadaha, iyo sidii loo dejin lahaa istaraatijiyado lagu hirgeliyo iskaashiga PPP ee Soomaaliya.

Faahfaahinta waxaad ka heli kartaa halkaan Warbixinta Madasha

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top